Hooyo loo diiday inay ku dhasho isbital ku yaal Muqdisho

Muqdisho

Khadro Maxamud Dhicis, ayaa dariiq ku dhashey markii laga cayriyey Isbitaal ku yaalla Muqdisho, oo ay u tagtey in ay ku umusho.

Khadro oo ah hooyo ugub ah, oo ilmihii ugu horeeyey uurkeeda leh ayaa markii saq-dhexe oo xaley ah ay qabatey fool ku carartey Isbitaal, kadib markii loo diideyna ay banaanka u baxdey oo ay ku dhashey.

Maamul-ka gobolka iyo degmada Xamar Jajab oo dhacddadn ay ka dhacdey ayaa soo galay, waxaana Isbitaalkii arinkaasi uu ka dhacay ay qaateen dambiga waxii dhacay.

Sahra Abdi Ahmed ayaa la xariirtey hooyada iyo masuuliyiinta-ba warbixintaa nooga diyaarisey.

Your browser doesn’t support HTML5

Hooyo loo diiday inay ku dhasho isbital ku yaal Muqdisho