Kal-fadhigii 5aad ee Baarlamaanka oo Baaqday

Kulankii u horreeyey ee kalfadhigga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan. In kabadan 15 xildhibaan ayaa Guddoonka baarlamaanka u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen in ajandaha kulanka maanta lagu darro arrimaha amniga.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in xildhibaannada dowladda taageersan ay kulanka maanta ka baaqdeen sababo la xiriira ajanadaha ay u gudbiyeen guddoonka.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Kalfadhiga Baarlamaanka