Dowladda: Hala joojiyo Colaadaha Xeraale, Cadale.

Sabriye

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo VOA la soo xiriiray ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruha ay maanta kulan gaar ka yeesheen dagaal beeleedyada ka soo cusboonaadey deegaanka Xeraale, iyo agagaarka degmada Cadale.

Wasiirka ayaa shegay in madaxdu ay ku baaqeen in colaadahan si deg-deg ah loo joojiyo.

Sabriye ayaa sheegay in dagaalka Xeraale aysan siyaasadi ka maqneyn, laakiin wuxuu diiday in wasaaraddiisu ay door ku leedahay.

Cabdulcasiis Xuseen ayaa wasiirka khadka taleefonka ee Muqdisho ku wareystay, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay waxay colaadda deeggaanka Xeraale salka ku hayso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wasiir Sabriye oo ka hadlay dagaallada dalka