Shirka jihaynta siyaasadda Puntland oo lasoo geba-gebeeyey

Shirka Garoowe

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir halkaasi ka socday oo looga hadlayay jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland.

Shirkan ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana soo xiray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Qodobada shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in Puntland ay ka qeyb-gasho wada-hadallada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan ka soo diray Garowe.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka jihaynta siyaasadda Puntland oo lasoo geba-gebeeyey