Laascaanood: Maxkamad gabar ka furtay nin lagu qasbay

Sool

Maxkamadda degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa qaaday kiiska dacwadda gabar 14 sano jir ah oo guur lagu qasbay.

Maxkamadda ayaa go’aamisay, in gabadhan oo ninka ay ku dareen qoyskeeda sida la sheegay, laga furo.

Wariyaha VOA-da Cabdikariim Olol ayaa kiiskan iyo go’aanka maxkamadda ka wareystay gudoomiyaha maxkamada degamada Laascaanood Xasan Maxamuud Warsame.

Your browser doesn’t support HTML5

Laascaanood: Maxkamad gabar ka furtay nin lagu qasbay