Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Lix qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayay muran la xiriira lahaanshaha dhul ku yaalla dhanka waqooyi ee Galkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo dhanka Puntland Yaasin C/samad Cumar ayaa wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq uga waramay dagaalkii dhacay iyo khasaaraha uu dhaliyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo