Qarax dhimasho badan oo ka dhacay Baay

Somalia

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay, oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo.

Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca walba isugu yimaadaan dadka deegaanka iyo reer miyiga si ay u kala iibsadaan badeecooyinka iyo xoolaha.

Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray Magaalada Baydhabo.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax dhimasho badan oo ka dhacay Baay