Weerar iyo duqeyn lagu qaaday Shabaab

Ciidamada Soomaaliya

Ciidamada Danab ee Soomaaliya oo taageero ka helaya diyaarado Mareykan ah ayaa weeraray xalay saldhig ay Shabaab ku lahaayeen tuulada Daarusalaam oo qiyaastii 7 km u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Aweys Abuukar (Maxamed Yarow) ayaa VOA u sheegey in ugu yaraan 6 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerarkaasi ku dhinteen.

Waxa uu guddoomiyuhu sidoo kale sheegey in haweeney rayid aheyd ay ku dhimatay duqeynta ay geysteen, sida uu yiri, diyaarado aan duuliye wadin oo weerarkaasi qeyb ka ahaa.

Jamaal Axmed Cismaan ayuu qadka telefoonka ugu warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Sh/Hoose: Weerar iyo duqeyn lagu qaaday Shabaab