Nugaal: Dhallinyaro Dil lagu Xukumay

Maxkamadda Darajada Kowaad ee gobalka Nugaal ee Puntland ayaa maanta dil ku xukuntay 5 dhalinyaro ah oo ku edeysanaa kufsi ay u geysteen gabar jirtay 16 sano, kaas oo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Kiiska dhalinyaradan lagu xukumay ma aha mid la xiriira kufsigii iyo dilkii sida weyn looga qeyla dhaamiyay oo dhawaan magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabar 12 sana jir ah, hase yeeshee waxa xukunkan dilka ahi uu ku soo aadayaa xilli falalka kufisiga ay ku soo noqnoqonayaan Gaalkacyo.

Wariyaha VOAda Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan ka soo diray Garowe.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Maxkamadeynta Dhallinyarada