Dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya oo la dhagax dhigay

Berbera

Bilowga dhismada jidka weyn ee isku xidhi doona Berbera iyo Itoobiya, ayaa maanta la dhagax dhigay.

Munaasabadda dhagax dhiga, ayaa waxaa ka qeyb galay weftiyo ka kala socda Itoobiya, Imaaraadka iyo hay'adaha Caalamiga ah qaarkood, waxaana furay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Arrintan oo muddo dheer aan hirgelin, ayaa qayb ka ah heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee DP World, Itoobiya iyo Somaliland.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya oo la dhagax dhigay