Madaxii P&O ee dekedda Boosaaso oo la dilay

Dekedda Boosaaso

Nin hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay madaxii shirkadda P&O oo ay leedahay DP World ee dekedda magaalada Boosaaso.

Sarkaal amni oo lagu magacaabo Maxamed Daahir ayaa wakaaladda warraka ee AFP u sheegay in nin hubeysan uu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa agaasimaha mashruuca dhismaha DP World ee dekedda.

Paul ayaa waxaa lagu dhex-dilay dekedda, waxaana ciidamada ammaanka ay sheegeen in ninka la dlay uu yahay dhaawac oo la hayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Anaga ayaan ka dambeyna howlgalka” Waxaa sidaas yiri afhayeenka howl-gallada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Waan u dignay balse dhegaha ayuu naga fureystay, sharci-darro ayuu dalka ku joogay” ayuu sii raaciyey.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan nooga soo dirtay Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxii DP World ee dekedda Boosaaso oo la dilay