India: Abwaan Baarleex oo Geeriyooday

Allah u naxariistee waxaa shalay dalka Hindiya ku geeriyooday Abwaan Cabdillaahi Xirsi Ibraahim oo ku magac dheeraa Baarleex.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa sugaanyahannada sida weyn looga qadariyo meelaha ay ku noolyihiin Soomaalida ee geeska Africa.

Abwaanka oo ay da'diisu ahayd 65 ilaa 66 sano jir ayaa ku geeriyooday magalada Heydarabad ee waddanka Hindiya, halkaasoo looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha ah oo uu in muddo ahba la il darnaa.

Jaamac Buule Jaamac ayaa Taariikhda Abwaanka wax ka weydiiyay Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada ka dhiga jaamacadda Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia oo uu abwaanka ku dhashay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Geerida Abwaan Baarleex