Dad ku dhintay iyo qaar ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax

Laba qof ayaa ku dhimatay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay baankinka kaalin shidaal oo ku dhow Ex Shabeele iyo xaruntihii hore ee baarlamaanka.

Dhimashada iyo dhaawaca dadkan ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Tuulax ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid la diyaariyay mana uusan carabaabin halka loo waday qaraxa.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir OK.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Muqdisho