Kulmiye iyo UCID oo heshiis ka gaaray xilliga doorashada

Somaliland Parliament

Labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID ee Somaliland ayaa go'aan wadajir ah ka gaadhay khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidhay doorashooyinka iyo xilka guddida doorashada.

Labada Xisbi oo maanta gaar u soo saaray heshiis wadajir ah, ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in bisha 11-aad ee sannadkan la qabto doorashada.

Waxaa sidoo kale ay ku heshiiyeen in guddida hadda joogta ay doorashooyinkaas, taas oo ay hore uga soo horjeedeen xisbiga kale ee Waddani.

Xisbiga Waddani ayaa heshiiskan aan qayb ka ahayn. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo heshiis gaaray