Musharaxiinta Puntland oo khudbado u jeediyey xildhibaanada

Puntland

Musharraxiiinta u tartamaysa hoggaanka Puntland ayaa maanta khudbado u jeediyey 66-ka xubnood ee baarlamaanka maamulkaasi ka kooban yahay.

Musharraxiinta ayaa taabtay qodobo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, musuqmaasuqa iyo qodobo kale.

Doorashada ayaa dhici doonta maalinta berri ah, waxaana la adkeeyey amniga magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka.

Warbixintan waxaa noo soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Musharaxiinta Puntland oo khudbado u jeediyey xildhibaanada