Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay yihiin dhinacyadii uu dagaaalka dhex-maray.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay malayshiyaad wada degan deegaanka, waxaana wararku ay sheegayaan in dadka dhintay ka sokow ay jiraan dhaawacyo badan, kuwaas oo lagu sheegay inay gaarayaan ilaa afar qof.

Weriyaha VOA-da ee Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq ayaa dagaalka ka wareystay wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud