Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay sii deyso mukhtar Robow Abu Mansoor, oo uu sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn lagu xiray. Guddoomiye Mursal wuxuu kale ku baaqay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa dowladda Somalia ku eedeeyay inay hor-istaagayso xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee doonayay inay ku booqdaan guriga uu degan yahay. Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho.
Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhageyso Shirka Jaraa'id ee Gudd. Mursal