Dagaal dhex-maray Macawisleyda iyo Shabaab

Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay deegaan ka tirsan gobolka ku dagaalameen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyo deegaanka ah oo loo yaqaan Macawisleey.

Maleeshiyada Macawisleyda ayaa bilihii u dambeeyay dagaallo kula jiray Al-Shabaab kadib markii sida ay sheegeen ay dhibsadeen zakada ay ka qaaddo kooxda Al-Shabaab.

Dagaaladii ugu dambeeyey ee dhacay ayaa la sheegay in tiro maleeshiya ah looga dilay kooxda Al-Shabaab.

Jaamac Buule Jaamac ayaa dagaalladan ka wareystay Xuseen Cabdi Maxamuud oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Macawisleyda ee Shabeelaha Dhexe.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal dhex-maray Macawiisleyda iyo Shabaab