8 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho (Sawir keyd ah)

Ugu yaraan 8 qof, ayaa ku geeriyootay 15 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel mashuul badan oo ahayd suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku taalla degmada Wadajir ee Muqdisho.

Dowladda Soomalaiya ayaa u sheegtay wakaaaladda wararka dowaldda ee SONNA in ay gacanta ku hayaan ruuxii waday gaariga qarxay.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Muqdisho