Al-Shabaab oo nabaddoon ku gowracay Beled-Xaawo

Shabaab

Degmada Beled Xaawo waxaa maanta lagu aasay mid ka mid ah nabad-doonada degmadaasi ugu caansanaa oo xalay ay dileen kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay gurigiisa ku weerareen.

Nabad-doonka la dilay oo magaciisa la yiraahdo Dhaqane Qaasim Amiin ayaa waxaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa.

Afhayeenka Golaha Guurtida ee Degmada Beled Xaawo, nabad-doon Idiris Aaden Nuur (Gaaroodi) ayaa VOA-da u sheegay in nabad-doon Dhaqane la gowracay kadibna la qarxiyay gurigiisa.

Caasho Ibrahim oo khadka telefoonka ee Beled-Xaawo kula xiriirtay nabad-doon Gaaroodi ayaa ugu horreyn weydiisay goorta uu dilku dhacay.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo nabaddoon ku gowracay Beled-Xaawo