Baabuurka xildhibaan Jeesow oo la qarxiyey

Baabuurka xildhibaan Jeesow

Gaari uu lahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo yaallay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa qarax lala beegsaday, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Gaarigan ayaa la sheegay in kadib markii uu qarxay ay ku dhaawacmeen laba qof.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa lagu warramay in xilliga qaraxa uu dhacay aanu ku jirin baabuurkaasi.

Warkan waxaa magaalada Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax lala eegtay baabuurka xildhibaan Jeesow