QM oo ka deyrisay heerka waxbarashada Soomaaliya

Arday

Xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca bani aadannimada ayaa sheegay in caqabado dhowr ah oo is-biirsaday ay ka hor joogsadeen in ka badan 70% caruurta Soomaalida inay dugsiyada waxbarashada tagaan.

Tiradaas ayaa u dhiganta sadex milyan oo ka mid ah 4.4 milyan oo caruur Soomaaliya ah.

Warbixintan oo uu soo saaray Xafiiska Isku Duwidda gargaarka ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa lagu sheegay in caqabadahaas ay ka mid ihiin iskuulo yari, macalimiin la’aan, qalabka wax lagu barto oo aan badneyn, amni xumi, cunto yaraan iyo nadaafad darro.

Waxaa warbixintan inooga haya Xuseen Barre Aaden.

Your browser doesn’t support HTML5

QM oo ka deyrisay heerka waxbarashada Soomaaliya