Muqdisho: Ciidamo Talyaani ah oo qarax lala beegsaday

Qarax

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qarax ismiidaamin ah oo la beegsaday baabuur milatari oo ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga, oo qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamada Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in baabuur uu waday qof ismiidaamiye ah uu ku dhacay baabuurka milatari Talyaanig xilli uu baabuurkaasi marayey meel u dhow Kulliyadda Jaalle Siyaad, kadibna qiiq iyo holac la arkay.

Khasaare ayaa soo gaadhay baabuurka la bartilmaameedsaday, ilaa haatan ma cadda khasaaraha inta uu le'eg yahay, hase yeeshee waxaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare jiro.

Kulliyadda Jaalle Siyaad ayaa fadhi u ah ciidamada Oktoobar 14 oo la aasaasay sannadkii ugu dambaayey, waxaa kale oo jidkaasi mara ciidamada AMISOM.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho nooga soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho