Xildhibaan Muqdisho Lagu Dhaawacay

Qarax

Habeenkii xalay ahaa waxaa si xun ugu dhaawacmay qarax loogu xiray baabuurkiisa Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in dhaawac culus uu ka gaadhay gacanta iyo qeybo ka mid ah jidhkiisa Isla qaraxaasi waxaa ku dhintay darawalkiisii.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa dhaawaca xildhibaanka ka waraystay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ahaa xildhibaannadii isbitalaka ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran