Md. Camay: Qodobbada Shirka Kismaayo Waa Lagu Deg-degay

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xaaji (Camey) ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qodobbada qaar ee ka soo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada ee Kismaayo, gaar ahaan arrinta hakinta wada shaqeynta dowladda federaalka ee ay maamulladu ku dhawaaqeen.

Waxaa kale uu sheegay in qodobbada laga soo saaray shirka ay u muuqdeen in lagu deg degay, oo aan wada tashi lagala yeelan isaga.

Sahra Cabdi Axmed ayaa qadka telefoonka ee Garoowe kula xiriirtay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Camey.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hor-yimid go'aanka Gaas