Biyo La'aan ka Jirto Qeybo ka Mid ah Jabuti

DJIBOUTI MAP

Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuti ayaa sheegaya in biyo la'aan xoog lihi ay soo wajahday dadka ku nool degmada Balbala ee magaalada Jabuti.

Biyo la'aantani ayaa kusoo beegantay xilli cimilada magaalada Jabuti ay aad u kulushahay.

Dhibaatadani biyo la'aanta ayaa wariyaheenna Jabuti Ramadan Muse uu ka wareystay agaasimaha Waaxda Maareynta Biyaha ee Wakaaladda Biyaha Djibouti, Ridwan Cabdillahi Bahdoon.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Biyo la'aanta Jabuti