Kooxda Real Madrid ayaa guul ku billowday xalay ciyaarteedi ugu horreysay ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Spain, kadib marki ay 2-0 uga badisay kooxda Getefe.
Kulankaan ayaa indhaha lagu hayay maxaa yeelay Real ayaa ciyaareysay iyadoo uusan u ciyaareynin Cristiano Ronaldo sidoo kalana uusan kursiga tababarka fadhin macalin Zinedine Zidane oo labaduba kooxda isaga tagay.
Labada gool ee ay Real Madrid ku badisay waxaa u kala dhaliyay Dani Carvajal iyo Bale. Waa guushii ugu horreysay oo uu horyaalka La Liga ka helo macallinka cusub ee kooxda Real Madrid Julen Lopetegui.
Ciyaaraha kalana kooxda Sevilla ayaa 4-1 ku qabatay kooxda Rayo Vallecano. Saddex ka mida goolasha waxaa dhaliyay weeraryahnki hore ee kooxda AC Milan Andre Silva.
Kooxda SD Huesca oo dhawaan kusoo biirtay kooxaha heerka 1-aad waxay xalay 2-1 ku dubatay naadiga Eibar.