Kheyre oo xilka ka qaaday wasiirkii waxbarashada

Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Waxbarashada Cabdiraxmana Daahir Cusmaan sida ay sheegtay warbahainta dawladda.

Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, hase yeeshee dhowaan ayaa wasiirku waraysi uu siiyey warbaahinta dawladda waxa uu ku sheegay inaysan dawladdu aqoonsanayn jaamacadaha dalka.

Hadalkaasi oo uu markii dambe sheegay in si qalad ah loo dhigay, waxa uu wasiirka ku sheegay inaysan jirin weli jaamacad buuxisay shaqadii akadamiyada iyo qaabka ay samaysan tahay la aqoonsan yahay.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.

Your browser doesn’t support HTML5

Kheyre oo xilka ka qaaday wasiirkii waxbarashada