Shirka Soomaaliya ee Brussels oo furmay

Somalia Partnership Forum

Magaalada Brusells ee dalka Belgium-ka waxa amaanta ka furmay shrikii iskaahsiga beesha caalamka iyo Soomaaliya oo looga hadlayo kaalmada bani’aadminnimo, horumarinta dhaqaalaha iyo arrrimaha amniga.

Madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo wakiillada beesha caalamka, ayaa shirk aka qeyb galaya.

Ka hor inta aanu bilaaban shirkaasi ayaa maamul goboleedka Jubbaland waxay sheegeen inaysan ka qaybgalaynin furitaankii iyaga oo sabab uga dhigay xadgudub borotokoolka ah oo dhacay iyo ajandaha oo wax laga beddelay.

Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa VOA u sheegay inay ku biireen shirka kadib markii ajandaha loo daayey sidii hore, raaligelinna laga bixiyey borotokoolka la sheegay in la jebiyey. Midowga Yurub iyo Dawladda Soomaaliya iyagu weli kama aysan hadlin arrrintaasi.

Falastiin Axmed Iimaan aya akhadka telefoonka ee Brussels kula xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ugu horraynna waxay weydiisay waxa u qabsoomay dalwadda ee ay shirkaasi gaysay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka arrimaha dibedda Somalia