Dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo shacab

Shabaab

Ugu yaraan 10 qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dad tuulo-joog ah ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada xagjirka ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Caad oo galbeed ka xiga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa wararka ka imanaya dadka degaanku sheegayaan inuu ka dambeeyay markii dadka degaanku diideen codsi uga yimid Al-Shabaab oo ahaa inay keenaan wiilal ka mid noqda ururka Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulwaaxid Macallin Isxaaq.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo shacab