Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe dhul badan oo ay dadweynuhu lahaayeen dowladduna ugu talagashay dan guud ayaa qaarna la boobay qaarna lagu xalaaleystay iyadoo heshiisyo lagula galay maamuladdii iyo dowladihii kala dambeeyay ee soo maray Soomaaliya.
Meelaha la dhistay oo guryo iyo goobo ganacsiba laga sameystay waxaa ka mid ah jardiinooyinkii qaar badan oo ka mid ah isgoysyada wadooyinka magaalada Muqdisho, garoomo kubadda lagu cayaarayay iyo barxaddaha baabuurta dadweynaha laga raaci jiray.
Haatan ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa uu soo saaray amar ay dowladdu kaga noqoneyso dhamaan heshiiyo ay ku tilmaamay sharci darro oo lagu xalaaleystay hanti guud.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5
Yariisow oo baabi'iyey heshiiyo lagu bixiyey dhulal