Wiil Soomaali ah oo ka mid noqdey koox ku guulesatay tartanka sameynta Robot-yada

Yuusuf iyo kooxdiisa waxay ku guuleysteen koobka caalamiga ah ee sameynta robot-yada ee da'yarta adduunka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Montreal ee dalka Canada

Yuusuf Maxamed Amiin Sheekh Caddow, waa wiil dhalinyaro ah Soomaali ah oo dhigta fasalka siddeedaad ee iskuul ku yaalla dalka Sweden oo uu deggan yahay.

Waxa isaga iyo kooxdiisa ay soo qaadeen koobka caalamiga ah ee sameynta robot-yada ee da'yarta adduunka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Montreal ee dalka Canada

Yuusuf, oo ahaa ninka kaliya ee asal ahaaan Afrikada madow ka soo jeeday ee ee tartankaasi ka qeyb galay, ayaa sheegey in uu doonayo in mustaqbalka uu barto culuumta tignoolajiyadda. Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka ee Sweden kula xiriiray, waxana uu weydiiyay tartanka sida uu ku billowday.

Your browser doesn’t support HTML5

Bandhigga Robotyada oo uu wiil Soomali ah ku guuleystay