Koobka Adduunka: Japan iyo Senegal oo guul gaaray

  • Ahmed Ali Sheikh

Xulka kubadda cagta Japan ayaa guul ku billowday cayaaraha koobka adduunka ayaga oo 2-1 kaga adkaaday dalka Columbia.

Cayaartan oo ahayd tii koowaad ee maanta dhacday ayaa waxaa Columbia calaamadda casaanka ah laga siiyey Carlos Sanchez daqiiqaddii saddexaad ee cayaarta.

Isla group-ka H waxaa dalalkan kula jiray dalalka Poland iyo Senegal oo ayagana cayaar xiiso leh ay dhex-martay fiidkii caawa xilliga geeska Afrika.

Senegal ayaa 2-1 kaga adkaatay Poland, waxaana dalkan uu noqday kii ugu horreeyey Afrika ee guul ka gaara cayaaraha koobka adduunka illaa hadda.