Xildhibaan ka Digay Lacagta Cusub ee Soomaaliya

Lacagta cusub ee ay soo daabaceyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Xildhibaan ka digay lacagaha cusub ee ay dooneyso in ay soo daabacdo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdullahai Maxamed Nuur oo ah Wasiir u Dawlihii Hore ee Malaiyadda Soomaaliya haatanna ah Xogahayaha Malaiyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay in xilligaan lacago loo soo daabaco waddanka.

Toddobaadkan ayay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya soo bandhigtay naqshadda ay yeelan karto lacag cusub oo loo soo daabacayo waddanka Soomaaliya, waxaana horey mas’uuliyiintu u sheegeen in loo baahan yahay lacag dhan 41 milyan oo dollar oo lagu soo daabaco lacagtaas.

Xildhibaan Cabdullahai Maxamed Nuur wuxuu arrimahani uga warramay Haaruun Macruuf.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso wareysiga xildhibaanka