Faah-faahinta Dagaal ka Dhacay Gobolka Bakool

dagaal

Mas’uuliyiinta dawladda Somaaliya ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in afar ka tirsan Askarta Dawladda lagu dilay weerar ay maanta Al-Shabab ku qaadeen saldhig ku yaalla deegaanka Teed ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta aya aku adkaystay inay iska difaaceen weerarkaasi inkastoo maleeshiyada Al-Shabab sheegateen in halkaasi ay qabsadeen.

Maxamed Cabdi Sandheere ayaa dagaalkan ka waraystay Guddoomiyaha Degmada Xuddur, Maxamed Macallim Axmed.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga dagaalka Teed