3 Ruux oo ku Dhimatay Dagaal ka Dhacay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ka tirsan askarta maamulka Koonfur Galbeed ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal xooggan oo saakay aroortii ka dhacay tuulada Daynuunaanay oo ku dhow magaalada Baydhabo.

Caasha Ibarahim Aaden ayaa dagaalkan iyo faahfaahinta horjooge ka soo goostay al-Shabab oo maamulka isu soo dhiibay saakay ka wareysatay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Yuusuf Abukar( Gacma).

Your browser doesn’t support HTML5

Afhayeenka Koonfur Galbeed oo dagaalka Deynuunay ka hadlay