Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo galbinayey.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel dhinaca waqooyi kaga beeggan magaalada Balcad. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa kolonyadaasi.
Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan.