Guddoomiyaha maxkamadda sare oo la dhaariyey

Baashe Yuusuf Axmed

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhaarieyy guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo ayaa Baashe xilkaasi u magacaabay maalintii axadda.

Guddoomiyiha xilkaasi la sheegay in laga qaaday Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa isagu waraysi uu siiyey VOA-da ku sheegay in xil ka qaadista aan loo marin qaab sharci ah.

Haddaba faahfahainta dhaarta maanta waxaa warbxiintan nooga haya Ibraahim Xasan Daandurey.

Your browser doesn’t support HTML5

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la dhaariyey