Sheekh Shaakir oo ka hadlay xiisadda Galmudug

Weli waxaa meel xasaasi ah maraya muranka ka soo dhex cusboonaaday madaxda maamul goboleedka Galmudug ee salka ku haya qaabkii loo fuliyay heshiiskii awood qeybsi ahaa ee ay ku midoobeen ururka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug.

Madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa sheegay in khilaaf uusan jirin, gaashaankana u daruuray baaq uga yimid dowladda oo ahaa inay shir lagu xalyinayo khilaafka isugu yimaadaan.

Qadka taleefanka ee Dhuusa-mareeb ayaa waxaa kula xiriiray Sahra Cabdi Axmed, waxaana ugu horeyn ay wax ka weydiisay war saxaafadeed ah oo uu maanta soo saaray.

Your browser doesn’t support HTML5

Sheekh Shaakir oo ka hadlay xiisadda Galmudug

Dhinaca kale, waxaa xiisaddan ka hadlay xildhibaanada laga soo doorto deegaanada Galmudug ee ku jira labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wakiilada laga soo doorto Galmudug oo hadlay