Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa mar kale noqotay kooxda ugu qiimaha badan Yurub, ayada oo lagu qiimeeyey 3.25 bilyan oo Euro, sida ay sheegtay hay’adda qiimeysa ganacsiga ee KPMG.
Kooxda United ayaa ka sara martay kooxaha dalka Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.
10 ka mid ah lixda koox ee liiskan ugu sarreeya ayaa ah kooxo ka dhisan horyaalka Premier League ee dalka England, oo ah kan loogu daawashada badan yahay dunida.
10 koox ee ugu qiimaha badan qaraadda ayaa kala ah:-
- Manchester United - €3.255bn
- Real Madrid - €2.92bn
- Barcelona - €2.78bn
- Bayern Munich - €2.55bn
- Manchester City - €2.16bn
- Arsenal - €2.10bn
- Chelsea - €1.76bn
- Liverpool - €1.58bn
- Juventus - €1.30bn
- Tottenham - €1.29bn
Xigasho: KPMG