Ciidamo qarax lagula eegtay Afgooye

Buundada Afgooye

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay degmada Afgaooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo uu fuliyey qof is-miidaamiyey oo watay baabuur nooca raaxdaa ah, ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda u sheegay VOA.

Qofka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada qaraxa lala beegsaday, oo ku socday kolonyo baabuur ah.

Ciidamada qaraxa lala beegsaday ayaa loo yaqaan Bancroft, waxaana la sheegay inay yihiin cidamo ay tababaraan ciidamada Mareykanka, oo gobolka Shabeellaha Hoose ka howl-gala.

Weriyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa ka warramaya qaraxan.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamo qarax lagula eegtay Afgooye