Magaalada Brusells ee dalka Beljimka waxaa shalay lagu qabtay shir looga hadlayay ammaanka Soomaaliya iyo xoojinta ciidanka dowladda si ay ammaanka ugala wareegaan AMISOM, marka ay dalka ka baxdo.
Shirkaasi ayaa intii uu socday waxaa qodobada ugu muhimsan ee la isla gartay ka mid ahaa in €100 milyan oo euro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo in €80 milyan oo Yuuro Midawga Yurub uu ku bixiyo dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.
Wariyaha VOA-da ee London Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa wixii ka soo baxay shirkaasi wax ka weydiiyay, Danjire Cali Saciid Fiqi, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, oo ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ee shirkaasi ka qeyb galay. Khadka taleefanka ee Brussels ayuu kula xiriiray.
Your browser doesn’t support HTML5
Shirka Brussels oo lacag loogu deeqay Somalia