Cayaartoyda 17 jirrada Somalia oo Muqdisho ku laabtay

Palestinian protesters use slingshots against Israeli soldiers during clashes, at the outskirts of the West Bank village of Mughayer, north of Ramallah.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu laabtay kooxdii kubadda cagta ee xulka qaranka Soomaaliya ee 17 jirada, kuwaas oo dhawaan ka qeybgalay tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee lagu qabtay dalka Burundi.

Kooxdan ayaa tartankaasi ka gashay kaalinta labaad. Tanzania ayaa cayaartii kama dambeysta aheyd kaga badisay 2-0.

Laakiin heerkaas ay gaareen ayaa aheyd mid taariikhi ah marka la eego Xulka Qaranka Soomaaliya wixii ka dmbeeyay burburkii dowladdii dhexe.

Wariyaha VOA-da Seynab Abukar Maxamed ayaa warbixintan ka soo dirtay Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Cayaartoyda 17 jirrada Somalia oo Muqdisho ku laabtay