Wareysiyo: Maalinta Ciidamada Militeriga Soomaaliya

12-kii-April, maanta oo kale sanadkii 1960-kii oo waqtigan laga joogo muddo 58-sanadood ah waxay aheyd maalintii dhidibada loo taagay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidankaasi ayaa ka koobnaa afar talis oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka cirka, ciidanka badda iyo difaaca xeebaha iyo ciidanka difaaca cirka.

Munaasabado lagu xusayo maalintay ayey ciidanka ka oogeen saldhigyadooda ku yaalla gobolada Soomaaliya.

Haddaba, taariikhda ciidanka iyo heerarkii uu soo maray ayuu Jaamac Buulle Jaamac wax ka weydiiyay, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax-qare), oo ka tirsanaa ciidanka xoogga, haatanna ah guddoomiyaha hey'adda cilmi-baarista badda ee Soomaaliyeed.

Your browser doesn’t support HTML5

Maalinta Ciidamada Xoogga Soomaliya

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso qeybta labaad wareysiga Faarax Qare

Dhanka kale, ciidankaasi uu Faarax Qare ka sheekeynayay, awooddiisa iyo waddaniyadiisa, waxaa maanta uu wajahayaa xaalado ka duwan kuwii hore, oo ah saameynta dowladdo shisheeye ay ku leeyihiin cutubyo ka mid ah ciidanka oo ay iyagu tababaraan.

Waxa ugu dambeeya oo taagan, muranka ku xeeran kumanaan ka tirsan ciidamada Somalia ee ay dowladaha Isutaga- Imaaraadka Carabtu tababartay gacanta ku heysay, oo hadda dowladdu ay sheegtay inay la soo wareegeyso.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbxintan ku eegeysa, saameynta tababarada shisheeye ee xilligan ay ku leeyihiin ciidamada.

Your browser doesn’t support HTML5

Saameynta Shisheeyayaasha ay ku leeyihiin Ciidamada Somalia