Warbixinno iyo fallanqeyn ku saabsan xiisadda baarlamanka

Xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaan weli la xallin iyadoo xildhibaannadu ay tageen baarlamaanka inkastoo aysan dhammaantood wadagelin gudaha.

Xildhibaannada ayaa markii dambe kala dareeray waxaana hadlay taliyayaasha ciidanka oo ku eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka inuu ilalao hubaysan la galay dhismaha.

Waxaa kale oo dhismaha baarlamaanka tagay taliyaha ciidamada AMISOM oo kulan la qaatay guddoomiye Maxamed Cusmana Jawaari, illaa hadda kama soo bixin war war ah kulankaasi. Xasan Kaafi Qoyste, ayaa warkan Muqdisho ka soo direy.

Your browser doesn’t support HTML5

Kulankii Baarlamaanka oo baaqday

Haddaba, kulankii maanta baaqdey iyo culeysyadii dhinaca amaanka ee ka dhashey halkee ayuu baarlamanka uga dhaqaaqayaa? maxaase xigi doona wixii maanta dhacay? Falastin Axmed Iiman ayaa su’aalahaas iyo kuwo kaleba weydiisey Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mida ururada bulshada rayidka, si dhowna ula socdey arrimahan.

Your browser doesn’t support HTML5

Falanqeyn ku saabsan xiisadda baarlamaanka

Waxaa dhinaca kale, hadlay saraakisha ciidanka amniga, waxayna ka hadleen ciidan ay sheegeen in lala galay dhismaha baarlamaanka. Warbixintan waxaa inoo haya Xuseen Barre Aadan.

Your browser doesn’t support HTML5

Saraakiil ciidan oo eedeyay guddoonka Baarlamaanka