Ciidamo La Wareegay Dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Hey’adda Nabad Sugidda dowladda Federalka Somaliya ay la wareegeen amaanka dhismaha Baarlamanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli magaalada ay ka oogantahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay, mowshinkii dhawaan laga keenay Gudoomiyaha Baarlamanka.

Falastiin Axmed Imaan ayaa arrintan wax ka weydiisay, Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), Xoghayaha Guud ee Maamulka Baarlamanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga Cabdikariin Buux

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa isaguna shir jaraa'id qabtay caawa, waxa uu ka hadlay ciidamada la dhoobey xarrunta baarlamaanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Jawaari oo Shir jaraa'id qabtay