Xiisadda Ruushka iyo Britain oo Korortay

Dowladda Britian ayaa sheegtay inay dalkeeda ka eryeyso 23 diblomaasi oo u dhashay Ruushka, ka dib markii xukumadda Moscow ay diidday inay sharraxaad ka bixiso sida gaaska sunta ah ee 'Nerve Gas' ee uu Ruushku sameeyay loogu adeegsaday nin horey uga tirsanaa basaasiinta Ruushka oo ku nool Britian iyo gabadhiisa.

Ra’isul Wasaaraha Britian, Theresa May, ayaa sheegtay in Diblomaasiyiintan ay heystaan muddo toddobaad ah inay waddankaasi uga baxaan. Nuur Xasan Nuur ayaa warbixintan kooban nooga diyaariyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Xiisadda Ruushka iyo Britain oo Korodhey