Somaliland oo Difaacdey Heshiiska Ber-bera

Berbera Port

Maamulka Somaliland, ayaa difaacay heshiiskii dekadda Berbera ee dhawaantan lagu soo saxiixay dalka Iskutagga Imaaradka Carabta.

Heshiiskaasi oo seddex geesood ahaa, ayaa waxa uu u dhaxeeyay shirkadda Dubai Port World, Somaliland iyo Itoobiya. Warkan waxa Hargeysa ka soo dirtey wariyaha VOA Sagal Mustafe Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland oo dhalleeceysay hadalkii dowaldda federalka ee Berbera

Dhanka kale, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegey inay qorsheynayaan in ay arrintani dhawaan hor-geeyaan fadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali, oo ka tirsan golaha Shacabka, ayaa VOA u sheegay in heshiiskaasi uusan sharci ahayn. Jamaal Axmed Cismaan ayuu khadka telefoonka ugu warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Xildhibaan Naqdiyay Heshiiski dekadda Berbera