Libya: Tahriibayaal Kale oo Doonaya inay Soomaaliya ku Laabtaan

Tahriibayaal ka soo laabtay Libya oo ka soo degaya dayaaradda Turkish Airlines, gudaha garroonka Aden Cabdulle, Feb. 17, 2018. (H.K. Qoyste/VOA)

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Libiya Muxyadiin Maxamed Kaalmooy ayaa VOA u sheegay inay diiwaan galinayaan qaybtii labaad ee dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Libya, si ay dalkooda dib ugu celiyaan.

Danjiraha ayaa sheegay in ku dhawaad afartan dhalin-yara ah ay sheegeen inay diyaar u yihiin in lagu celiyo Soomaaliya. Xuseen Barre ayaa khadka tilifoonka ku waraystay Danjire Kaalmooy.

Your browser doesn’t support HTML5

Qeybtii labaad oo Somalida Libya oo dalkooda dib ugu soo laabanaya