Sh. Dhexe: Alshabab oo Sheegtay Dilka Nin Dhalinyaro ah

Ururka Al-Shabab ayaa shalay sheegtay inay dileen xubin ka tirsan ciidamada Soomaalida ee ay tababartay dawladda Imaaraadka Carabta. Ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Sahaal Axmed Rafle ayaa Al-Shabab ay ka qabteen Gobolka Shabeellda Dhexe xilli uu kusii jeeday magaalada Caabudwaaq.

Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan. Hase yeeshee ehelada ninkaasi ayaa si weyn u beeniyey inuu ka tirsan ciidamada dawladda.

Jawaahir Muuse waa hooyada ninkaasi, waxay Caasha Ibraahim Aadan uga warrantay waxa uu ka qaban-jiray Muqdishu.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wiilka la Dilay